U bood dhigaalka

Al-shabaab oo Markale Weerar Ku Qaaday Deegaanka Haboole oo Hoostaga Afmadow

Wararka ka imaanaya deegaanka harboole oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ay halkaas weerar ku qaadeen, xilli dhowaan dagaal ka dhacay deegaanka.

Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa isku dayay in ay weeraan ku qaadaay Deegaanka Harboole waxaa iska caabin xooggan kala hortagay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland sida lagu sheegay qoraal ay baahisay war baahinta ku hadasha afka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Weerarkan oo ku soo beegmaya maalmo yar ka dib markii ugu yaraan 100 xubnood ay ciidanku ka dileen koox ka tirsan Alshabaab oo isla deegaanka Harboole soo weerartay ayaan xog dhammaystiran laha hayn, waxaana isi soo taraya wararka ku saabsan.