U bood dhigaalka

Muxuu Daaran Yahay Safar Madaxweynaha Jubbaland uu Ku Tagay Degmada Afmadow?

Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, xilli dhawaan wadada xariirisa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow kooxda As laga saaray.

Maamulka degmada, saraakiisha ciidamada iyo Boqolaal dadweynaha ah ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay bartamaha magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Afmadow dardargalinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xilli billowgii todobaadkan ay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka harboole oo hoostaga degmadaas ku dileen in ka badan 100 xubnood oo Alshabaab ah, kuwaas oo weerar ku soo qaaday Saldhig halkaa ku yaalla.