U bood dhigaalka

Kooxda Xuutiyiinta oo Ka Hadashay Duqeyn Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Xudeyda

Afhayeenka kooxda Yemen ayaa sheegay in Weerarrada duqeymaha ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay dalkaas ka fuliyeen laga beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudeydah sida uu baahiyay TV-ga Al Masirah oo taageera kooxda.

Duqeymahan oo dhacay horraantii Jimcihii ayaa sidoo kale lagu beegsaday Jaziirada Kamaran, oo ayana ku taal isla Gobolka Xudeydah oo kamida deegaanada ugu muhiimsan dalkan ay colaadu aanfeeyeen ee ku yaalla bariga dhexe.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa billaabay bartilmaameedsiga maraakiibta xamuulka ee xariirka la leh Israa’iil iyo reer galbeedka wixii ka dambeeyay goortii uu qarxay dagaalka marinka Qasa, ayagoo sheegay inay ugu hiillinayaan dadka reer Falastiin, balse Mareykanka, Ingiriiska iyo dowlado kale ayaa bishii janaayo ku dhawaaqay isbahaysi ka dhan ah kooxdan gacan saarka la leh Iiraan.