Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo Muhiimmadda uu u leeyahay Xukuumadda.
Hannaanka qorista qorshaha isbeddelka Qaran waa geedi-socod muhiim ah oo Xukuumadda DanQaran ka caawinaya in ay gaarto hadaf-yadeeda sare ee horumarineed ee lagu hagayo horumarinta dalka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka faa’iidaystaan.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalka ay ku horumarineyso dalka, iyada oo adeegsanaysa hannaanka qorshaha isbeddelka Qaran, si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo leh oo ammaan ah.




From the comments