Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan oo shir saxaafadeed u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in burbutinta lagu sameeyay dhulkii Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ay timid ka dib markii digniintii dadkaas loo diray ay dhammaatay.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in laga soo billaabo 2018-kii dadka dhulkaas deggan loo dirayay wargelinno is daba-joog ah oo lagu farayo inay halkaas ka guuraan maadaama qaranka loogu adeegayo sida uu sheegay, balse mudadii loo qabtay inay aaggaas ku banneeyaan la dhaafay.
Wuxuu intaa ku daray inay dadku garowsadeen inay goobtaas iskood uga guuraan, ayagoo maanka ku haya muhiimadda ay qaranka u leedahay, iyo adeegyada dadweynaha loogu qaban doono, wuxuuna u mahadceliyay qoyaskii halkaas mudda ku noolaa iyo waxgaradkooda.




From the comments