U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraadka oo Muqdisho Ka Hirgelisay Goob Shacabka Soomaaliyeed Ka Qaataan Dal ku Galkeeda

Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta Axmed Jumca Rumeythi ayaa furay xarunta bixinta dal ku galka taas wixii maanta ka dambeeya muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan visaha.

Danjiraha ayaa sheegay in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay fududayn doonto isku socadka dadweynaha labada dhinac ee walaalaha ah.

Xaruntan uu danjiruhu xarigga ka jaray ayaa waxay ay noqonaysaa qunsuliyaddii ugu horeysay oo Imaaraadka ka furto magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo burburkii ka dib.