Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen gantaal lagu weeraray garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla magaalada Majdal Shams ee buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Israa’iil.
Afhayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in carruur ay ku jiraan dadka lagu dilay wareerka, asaga oo ku eedeeyay kooxda Lubnaan ee Xisbullah inay fulisay, balse xisbullaahi way beenisay inay ku lug leedahay ama xariir la leedahay falkan.
“Xisbullah ayaa mas’uul ka ah dilka carruurta aan waxba galabsan, waxaana isku diyaarinaynaa inaan ka jawaabno arrintan” ayuu yiri Hagari oo dhacdadan si adag uga hadlay, Xisbullaahi’se si degdeg ah oo aan looga barin ayay falkan isaga fogaysay.




From the comments