U bood dhigaalka

Ruushka oo Mareykanka Uga Digay Inuu Jarmarka Geeyo Gantaallada Ridada-dheer

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa uga digay Maraykanka in la geeyo dalka Jarmalka gantaalada riddada dheer, isagoo sheegay in Ruushka haddii ay taasi dhacdo uu dib u bilaabi doono soo saarista hubka Nukliyeerka ah ee riddada dhexe, isla markaana uu gantaalo la mid ah dhigi doono meel kaabiga u saaran dalalka reer galbeedka.

Mareykanka ayaa 10-kii bishan July sheegay in uu bilaabi doono in uu geeyo gantaallada riddada dheer gudaha Jarmalka laga bilaabo 2026 taas oo qayb ka ah qorshaha militari ee muddada dheer oo ay ku jiraan gantaallada SM-6, Tomahawk cruise missiles iyo hubka loo yaqaanno hypersonic.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda labada dhinac ay sii kordhayso, islamarkaana dagaalka Ukraine uu sanadkii 3-aad socda, ayadoo ay reer galbeedku xukuumadda Kiev taageero hagar la’aan ah la garab taaganyihiin, Moscow-na ay bari-gantaaliddaas si weyn uga caraysantahay.