U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Culimada Ugu Baaqay in Sida Siyaasiyiinta Aysan u Kala Qeybsamin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee sanadkii labaad lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa culumada ugu baaqay inaysan ku kala qeybsamin waxyaabaha yar yar ee ay ku kala aragtida duwanyihiin.

Madaxweynaha ayaa ayaa sheegay inaan loo baahnayn in culumadu ay sida siyaasiyiinta kooxo iyo xisbiyo loolamaya noqdaan oo ay kala qeybsamaan, balse ay lama huraan tahay inay midoobaan waxyaabaha kooban oo ay isku maandhaafsanyihiinna aysan ku kala fogaan.

Wuxuu intaa ku daray inay siyaasaddu tahay hannaan ay dad samaysteen oo dano shakhsi ku salaysan, balse ay diintu tahay kitaab Illaahay soo dejiyay iyo Sunno Nabi oo la socata, islamarkaana aysan noqan karin wax lagu hardamo oo lagu kala qeyb qeybsano.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu baraha bulshada ka socday muran xooggan oo ka dhashay wadaad duray Caalimkii Shiikh Cismaan Xiddig oo uu ku tilmaamay nin waxyaabaha Khuraafaadka ah iyo xabaalaha in la caabudo difaaci jirey, islamarkaana kutubtii uu qoray aysan faa’iido lahayn.