U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Daahfuray Shirweynaha Labaad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo sanadkii labaad lagu qabanayo dalka.

Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Shirkii culimada ee sanadkii hore ayaa lagu bogaadiyey howgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dalka ka socda, sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dagaalka Alshabaab lagula jiraahi uu yahay Jihaad islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid.

Shirkan ayaa sanadkii labaad lagu qabanayaa magaala madaxda dalka ee Muqdisho, ayadoo culumo Soomaaliyeed oo gobollada dalka iyo daafaha dunida ka kala timid, iyo marti sharaf kale oo dalalka islaamka ka socdaahi ay ka qeyb-galayaan.