Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa ku dhawaaqay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Isra’il, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liibiya iyo Nagorno-Karabakh, taas oo lagu caawinayo Falastiiniyiinta dhiban.
Madaxweynaha waxaa xusay inuusan faahfaahin ka bixin sida ay ku dhici karto ay u badan tahay in ay dhici doonto, waxaa uu si adag u eedeeyey duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, hadalkaan ayuu jeediyay xilli uu ka hadlayay horumarka uu dalkiisa ka sameeyay wax soo saarka qalabka difaaca.
“Waa inaan aad u xoog banaanno si aysan Israa’iil wax yaabahan lagu qoslo uga sameyn Falastin. Sidi aan u galnay Liibiya iyo Karabakh, waxaa dhici karta inaan si la mid ah iyaga ku sameyno,” Ayuu Erdogan u sheegay mudanayaal ka tirsan xisbigiisa AK oo uu kula kulmay magaalada uu asal ahaan kasoo jeedo ee Rize.




From the comments