Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Somali Airlines, isla markaana ahaa aasaasihii shabakadda wararka Hiiraan Online, oo xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorkii uu marxuumku ka soo qaatay horumarinta Afka Soomaaliga iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen warar ku saleysan xaqiiq, xilli dalku ku jiray marxalad adag, isaga oo ku tilmaamay shaqsi howlkar ah, dhex-dhexaad ahaa, una taagnaa horumarka dalkiisa.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Duuliye Axmad Xaaji Cilmi Guure waxa uu ahaa baylood, saxafi iyo samafale ka shaqeeya waxtarka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, waxaana murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxay Marxuumka.




From the comments