Madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan sheegay inaan Turkigu waxa ay Israa’iil marinka Qasa ka waddo ka aamusnaan karin, islamarkaana inay sidii Liibiya iyo Azerbaijan u fara-galiyaan oo falastiiniyiinta garab siiyaan aan cidina ka hor istaagi karin.
Hadalkaas ayaa waxaa ka falceliyay Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, asagoo bartiisa X soo dhigey laba sawir oo kala ah madaxweynihii hore ee Ciraaq xilligii la daldalayay iyo madaxweyne Erdogan, wuxuuna ku soo qaray ” Erdogan wuxuu ku dambayn doonaa sidii saadaam”.
Dhanka kale wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu la barbar dhigtay hoggaamiyihii Nazi-ga dalka Jarmalka Adolf Hitler, iyadoo cinwaan uga dhigey in Netanyahu iyo kuwa mas’uulka ka ah dhibaataynta falastiiniyiintu ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo la mid ah tii uu ku dambeeyay Hitler.




From the comments