U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Wafdi uu Goggaaminayo oo Gaaray Kismaayo

Raiisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Wafti uu Hugaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna magaala madaxda kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka Magaalada Kismaayo Ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Ku soo dhaweeyay Masuuliyiin Ka tirsan Jubbaland iyo Saraakiil Ciidan, waxaana intaa ka dib loo galbiyay gudaha Magaalada halkaas oo uu hadda ku suganyahay, kulamo kala duwanna kula qaadanayo madaxda dowldad goboleedkaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inuu u sii gudbi doono deegaanada dhowaan laga saaray kooxda Alshabaab, islamarkaana uu kulamo dhiirigelin ah la yeelan doono Ciidan xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ee aaggaas ku sugan, kuwaas oo maalmo ka hor Alshabaab la galay dagaal lagu diley in ka badan 100 dagaalame oo kooxda ka tirsan.