Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay, halka boqolaal kalena laga cabsi qabo inay ku xayiran yihiin dhul go’ay ka dib markii roobab aan kala joogsi lahayn ay ku da’een deegaan buuraley ah oo ku yaalla gobolka Kerala ee koonfurta dalka Hindiya.
Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in dhul go’a uu ku dhuftay agagaarka deegaanada Meppadi iyo Chooralmala ee degmada Wayanad abaaro 2-dii subaxnimo ee Talaadada , waxaana dadaallada samata bixinta caqabad ku noqday roobab xooggan oo halkaas weli ka socda.
“Illaa hadda waxaan helnay 24 meyd oo isbitaalo kala duwan ah, qaar badan oo ku dhaawacmay, waxaa lagu daweynayaa isbitaallada degmada” ayay raacisay yiri
wasiirka caafimaadka ee gobolka Kerala Reena George oo la hadlaysay wakaaladda wararka ee Press Trust.




From the comments