U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Dilka Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Ururka Xamaas Ismaaciil Haniya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareysay falkii Arbacadii shalay ay Israa’iil ku dishay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya.

Alle ha u naxariistee dilkaasi ayaa ka dhacay caasimadda Iran ee Tehran, taasoo xadgudub ku ah. sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay ka cabsi qabto in ay sii kordhaan rabshadaha taas oo horseedi karta xad gudubyo hor leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

“Go’doominta waxay horseedi doontaa iskahorimaad hubaysan oo baahsan oo ka dhaca Bariga Dhexe. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa baahida loo qabo in beesha caalamku ay xajiso mas’uuliyadeeda oo ay qaado tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo gardarrada Israa’iil ee Gaza iyo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda walaalaha nahay ee Falastiin iyo shacabkeeda iyo qoyska Dr. Haniya iyo saaxiibkiis, Allaha u naxariistee.