Ayadoo saacado ka hor magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan lagu dilay madixii xaafiiska siyaasadda ururka xamaas Ismaaciil haniyah ayaa waxaa isi soo taraysa falcelinta dalalka caalamku dhacdadaas ka bixinayaan.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh uu yahay dembi aan la aqbali karin gebi ahaanba, islamarkaana uu uga sii darayo xaaladda cakiran ee bariga dhexe, iyo xiisadda gobolkaas ka taagan.
” dhiigga geesiga halgamaaga ah ee Ismaaciil haniyah wuxuu keenayaa cawaaqib xumo aan weligeed laga waaqsan, waxayna sii adkaynaysaa xariirka xooggan ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Iiiraan iyo walaalaha wax is caabinta reer Falastiin” ayuu yiri masuul ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Iiraan.




From the comments