U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Milatariga Sudan oo Diiday Inuu Wadahadal La Galayo Xoogagga RSF

Hogaamiyaha ciidamada Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in militarigu aysan ku biiri doonin wada-hadalka ka dhacaya Switzerland bisha soo socota ee looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka in ka badan hal sano socda oo ay kula jireen ciidamada gargaarka degdega ah (RSF).

Al-Burhaan ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, wax yar ka dib markii uu ka badbaaday weerar ay Diyaaradaha Drones ah loo adeegsaday lala beegsaday Qalin-jabin ciidan oo ka dhacaysay Saldhigga Ciiddanka Gibeit ee ku yaalla Bariga Sudan, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof.

Dagaalka Suudaan oo sanadkii labaad socda ayaa sababay Khasaare dhimasho oo gaaraysa ugu yaraan 15, 500 oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakeceen, waxayna beesha caalamku isku dayaysaa inay dhinacyada wada-hadal bisha soo socata furmi doono isugu keento, kaas oo ay labada geesba horay u oggolaadeen, balse isku daygii dil ee Al-Burhaani ayaa xaaladda ugu sii daray.