U bood dhigaalka

Madaxii Siyaasadda Ururka Xamaas iyo Qaar Kamid ah Ilaaladiisa oo Lagu Dilay Magaalada Tehran

Wararka ka imaanaya magaala madaxda dalka Iiraan ee Tehran ayaa sheegaya in madixii xaafiiska siyaasadda ururka xamaas Ismaaciil haniyah iyo qaar kamida ilaaladiisu ay dhinteen ka dib markii lagu wareeray guri ay magaaladaas ka deganaayeen, balse lama shaacin cidda dilkooda ka dambeysay ama lagu tuhmayo.

TV-ga rasmiga ah ee dowladda Iiraan ayaa xaqiijiyay geerida Haniyah, sidoo ururka xanaas ayaa sheegay in la shirqoolay hoggaamiyahoodii xaafiiska siyaasadda, waxaana hadda socda baaritaan la xariira dilkan lama filaan ah ee loo geystay mid kamida hormuudkii kooxaha reer Falastiin ee dagaalka kula jira maamulka Israa’iil.

Ismaaciil haniyah wuxuu sanadkii 1962-dii ku dhashay xerada barakacayaasha Al-shati ee marinka Qasa, wuxuuna ku barbaaray, waxna ku bartay Qasa, asagoo ka baxay jaamacadda islaamig university of Gaza.

bilo ka hor waxaa dagaalka Qasa lagu diley seddax kamid ah carruurtiisa, balse xilligaa wuxuu sheegay inay shahiideen oo aanu ka murugoonayn geeridooda, haatanna asagii ayaa ku naf waayay difaaca dadkiisa dhibaatada joogtada ah la daalaadhacaya.