U bood dhigaalka

Booliiska Puntland oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Ku Eedeysan Dilka Gudoomiye Ku-xigeen jaamacadeed

Ka dib howlgal waqti dheer qaatay Ciidamada Booliiska Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane ku eedeysan dilka Guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid oo dhawaan lagu dilay magaalada Boosaaso.

Booliska ayaa horay u baahiyay sawirka eedeysanaha waxaana ay shacabka ugu baaqeen in laga caawiyo soo qabashadiisa.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.

“Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri.

Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa”