U bood dhigaalka

Mareykanka oo Iska Fogeeyay Dilka Madaxii Siyaasadda Ururka Xamaas ee Ismaaciil Haniyah

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uusan ka warqabin, kuna lug lahayn dilka hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas Ismail Haniyah oo arbacadii lagu khaarajiyay duqeyn lagula beegsaday guri oo ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan.

“Tani waa wax aynaan ka warqabin ama ku lug lahayn,” ayuu yiri Blinken oo ah dublamaasiga ugu sarreeya siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka, asagoo intaa ku daray in aanu doonayn inuu qayaaso cidda falkaas ka dambeysa oo la rumaysanyahay inay Israa’iil tahay.

Dilka Ismaaciil Haniyeh ayaa abuuray caro baahsan iyo cambaarayn caalami ah, ayadoo ay dowladaha Turkiga iyo Iiraan ku dhawaaqeen inay falkaas tillaabo militari oo laga shallaayo kaga jawaabi doonaan.

Hoggaamiyahan rugcaddaaga ah oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Falastiin ayay ku dhowaad 30 xubnood oo qoyskiisa kamida Israa’iil horay u dishay, waxaana loo madlanyahay in jimcaha aas ballaaran loogu sameeyo magaalada Dooxa ee dalka Qatar.