U bood dhigaalka

Safiyiin Tabinayay Dilka iyo Tacsida Madaxii Siyaasadda Xamaas Haniyah oo Gaza Lagu Dilay

Sheeko:War

Wararka ka imaanaya marinka Qasa ayaa sheegaya in wariye iyo sawir qaade ka tirsan TV-ga Al Jazeera ay ku geeriyoodeen duqeymaha aan kala joogsi lahayn ee ay militariga maamulka Israa’iil halkaas ka wadaan.

Ismail Al-Ghoul iyo sawir qaade Rami Al-Rifi ayaa la sheegay inay ku naf waayeen duqeyn saacadihii la soo dhaafay lala beegsaday goob ay war ka soo tebinayeen oo kamida xerada qaxootiga al-Shati ee galbeedka Qasa, sida uu xaqiijiyay TV-ga ay ka howgalayeen ee Aljeeriya ee Qatar laga leeyahay.

Wariyaashan ayaa si maalinle ah u soo tebin jirey gumaadka ay Israa’iil ka waddo Marinka Qasa, waxayna kamid noqdeen boqolaal weriyaal ah oo ku dhintay duqeymaha arxan darrada ah ee Israa’iil ay bishii 10-aad ku hayso dadka reer Falastiin.