U bood dhigaalka

Safiyiin Tabinayay Dilka iyo Tacsida Madaxii Siyaasadda Xamaas Haniyah oo Gaza Lagu Dilay

Ogoosto 1, 2024

Wararka ka imaanaya marinka Qasa ayaa sheegaya in wariye iyo sawir qaade ka tirsan TV-ga Al Jazeera ay ku geeriyoodeen duqeymaha aan kala joogsi lahayn ee ay militariga maamulka Israa’iil halkaas ka wadaan.

Ismail Al-Ghoul iyo sawir qaade Rami Al-Rifi ayaa la sheegay inay ku naf waayeen duqeyn saacadihii la soo dhaafay lala beegsaday goob ay war ka soo tebinayeen oo kamida xerada qaxootiga al-Shati ee galbeedka Qasa, sida uu xaqiijiyay TV-ga ay ka howgalayeen ee Aljeeriya ee Qatar laga leeyahay.

Wariyaashan ayaa si maalinle ah u soo tebin jirey gumaadka ay Israa’iil ka waddo Marinka Qasa, waxayna kamid noqdeen boqolaal weriyaal ah oo ku dhintay duqeymaha arxan darrada ah ee Israa’iil ay bishii 10-aad ku hayso dadka reer Falastiin.