U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Xilka u Kala Wareejiyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda iyo Kii Hore

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Maanta Munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda Difaaca dalka, xilka ugu kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cumar Cali Cabdi iyo Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda mudane Cabdinuur Daahir Fiidow.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa ku ammaanay Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cabdinuur Daahir Fiidow shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay inta uu xilka hayay, isagoona dhanka kale Wasiiru dowlaha cusub u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibkiisa shaqo ee cusub.

Ugu danbeen Wasiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda in ay si dhow ula shaqeeyaan Wasiiru dowlaha cusub, isla markaana ay si daacadnimo iyo daah-furnaan leh ugu adeegaan Qaranka.