U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Howlgal Ka Fuliyay Jubbada Hoose iyo Khasaare Ka Dhashay

Ciidamada gaarka ah ee kumaandooska danab ee xoogga dalka ayaa howgal qorshaysan ka fuliyay goob ay ku sugnaayeen xubno Alshabaab ah oo ku taalla deegaanka Qumbi oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose sida lagu sheegay war ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka.

Wararku waxa ay sheegayaan in saqdii dhaxe ee xalay uu weerarku dhacay, dagaal saacado badan qaatay ka dibna ay goobta gaaray Ciidamada Xooga dalka iyo Kuwa Jubaland ee ku sugan aagga Degmada Afmadow, waxayna Saraakiishu sheegeen in dagaalameyaasha Alshabaab uu howgalkaas khasaare Lixaad lihi ka soo gaaray.

Weli lama oga tirada dhimashada ka dhalatay weerarka ay ciidanka DANAB ku qaadeen deegaanka Qumbi, sidoo kale ma cadda in dhanka ciidanka uu khasaare soo gaaray iyo in kale, balse Saraakiishu waxay sheegeen inay jabiyeen xubnihii Alshabaabka ahaa ee ay dagaalka la galeen.