U bood dhigaalka

Madaxweyne Dani: Puntland Waxay u Taagan Tahay Midnimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Garoowe, laguna xusayay sanadkii guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay dhismihii maamul ee Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan xaaladda dalka.

Siciid Deni ayaa sheegay in Puntland wixii ka dambeeyay qaran jabkii Soomaaliya ay noqatay astaan u taagan midnimada Soomaaliya iyo sidii dowlad heshiis lagu yahay dalka loogu dhisi lahaa, arrintaas oo uu tilmaamay in ay mira-dhal noqatat oo guul maanta lagu naaloon karo laga gaaray.

Wuxuu intaa ku daray in Puntland ay kaalinteeda ka qaadan doonto sidii Soomaaliya ay u noqan lahayd dal xasilloon oo Dimuqraadi ah, islamarkaana doorashadii dhowaan 26 degmo oo Puntland ka tirsan si qof iyo cod ah uga dhacday ay tusaale u tahay sida ay Soomaaliya la rabaan.

Dowlad Goboleedka Puntland oo la aas-aasay sanadkii 1997-di ayaa kamid ah maamullada ugu faca weyn dalka, waxayna ku suntantahay xasillooni iyo nabad, markii laga reebo kooxaha Alshabaab iyo daacish oo magaalooyinka qaar falal arbushaad ah ka geysta xilliyo gaar ah.