U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada Soomaliyeed Waxay Ku Xiran Tahay Wadajirka Culimaau’diinka Soomaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa’udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, Dhaqanka suuban iyo Nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada.

“Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha Ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka Shabaab ka hor tagga afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye.