U bood dhigaalka

Dowladda Iran oo War Kasoo Saartay Qaabkii Loo Dilay Hoggaamiyihii Xamaas Haniyah

Dowladda Iiraan oo war ka soo saartay dilkii Ismaaciil haniyah oo ahaa madixii siyaasadda ee ururka Xamaas ayaa sheegtay in lagu dilay madfac nooca ridada gaaban ah oo laga soo tuuray bannaanka hoyga uu ka deggaa magaalada Tehran, sida uu ku dhawaaqay ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

Bayaan ay soo saartay IRGC waxay ku sheegtay in iyada oo laga duulayo baaritaanno la sameeyay dilkiisa ka dib, la ogaaday in weerarka loo adeegsaday gantaal riddo gaaban oo siday ilaa 7 kiilogaram oo walxaha qarxa ah, lagana soo tuuray bannaanka guriga uu ku sugnaa Ismaaciil haniyah.

Ciidanka ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa intaas ku daray in Israa’iil ay la kulmi doonto ciqaab adag waqtigeeda, islamarkaana dilka Haniyeh uu ku noqan doono mid ay weligeed ka qoomamayeen ayada iyo dowladda Mareykanka oo ay ku tilmaameen taageeraha dembiileyaasha.