U bood dhigaalka

Maxay Dowladda Soomaaliya Ka Tiri Khasaaraha Weerarkii Lagu Qaaday Hotelka Ku Yaalla Liido?

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay qarixii xeebta Liido ayaa sheegtay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 33 qof oo isugu jira shacab iyo askar, halka 4 xubnood oo kooxdii weerarka fulisay ay goobta ku naf waayeen, midkii 5-aadna nolosha lagu qabtay oo asagoo baabuur qarax ah wada.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir saxaafadeed qabtay ayaa sheegay in 32 qof oo shacab ah iyo hal askari ay qaraxa ku dhinteen, halka in ka badan 64 kale ay ku dhaawacmeen dhacdadan xanuunka badan kamida kuwii ugu khasaaraha badnaa ee sanadan ka dhaca caasimadda.

Tobanaan dada oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaallada gobolkan Banaadir, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimashadu ay sii kororto maadaama ay dhaawacyada qaar halis yihiin oo ay xaaladoodu culustahay.