Milateriga Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu saanad militari oo dheeri ah u dirayo Gobalka bariga dhexe, taas oo ay ku jiraan markab diyaarada xambaara, iyo kuwa wax burburiya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo xiisadda cirka isku sii shareeraysa ee u dhaxaysa maamulka Israa’iil iyo dalka Iran.
Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday inay u diri doonto diyaarado dagaal , iyo maraakiib ay kuwa wax buriyaahi ku jiraan, ayadoo wada-hadal dhex maray madaxweyne Biden iyo Ra’iisul Netanyahuna sheegay in aqalka cadi uu ballanqaaday inuu Israa’iil ka difaaci doono weerarrada Iran iyo ururka Xisbullah.
afhayeenka Pentagon Sabrina Singh ayaa u sheegay suxufiyiinta in Mareykanku xoojinayo ilaalinta saldhigyadiisa gobolka oo dhan, islamarkaana taageero difaaca Israa’iil loo fidiyo, ayadoo la hubiyo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo xiisadda sii kordheysa ee aaggaas ka aloosan.




From the comments