Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa goor dhow gaaray Magaalada Addis Ababa, Wafdiga Wasiirka waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la filayo iney kulan la qaataan gaar ah.
Socdaalka ayaa lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay sii socodsiinta Wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Abiy Axmed.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horay kulan ugu dhexmaray dalka Turkiga. kulankaasi ayaa looga hadlay xadgudubkii Itoobiya ku sameysay Madaxbaanida Soomaaliya.




From the comments