Musiibadii ka dhacday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxay saameysey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo qaarna qoys ahaan u dareemeen ka dib markii qof ama laba xubnood oo muhiim ahi ay gurigooda ka baxeen, kuwana ay qalbi ahaan u taabatay oo murugo iyo uur ku taalla ku abuurtay.
Ka sukow caloolyowga iyo tiiraanyada qalbi ahaan u maasheeyay Soomaalida iyo dadyowga kalee ka naxayaba, damqasho iyo dareen dowlad iyo shacab leh ayaa dalkoo dhan ka aloosmay, waxaana billaamay gurmad iyo gargaar loo fidinayo dhibbaneyaashii ay waxyeeladu gaartay.
Birmad ballaaran oo ay dowladdu hormuud u tahay ayaa ka socda caasimadda iyo meelo kale , kaas oo isugu jira dhaymo, dhiig shubid, iyo dhaqaale aruurin, waxaana xoogga la saarayaa badbaadinta dhaawacyada halista ah iyo bogsiinta kuwa fudud ee Isbitaallada ku jira.
Dhaqaatiirta ka howl-gala magaaladu ayagoo daruufo adag oo jaad walba leh wajahaya ayay habeen iyo maalinba u soo jeedaan sidii ay u badbaadin dadka dhaawaca ah oo xarumaha ay joogaan daadsan, waxaana hurdo iyo harsiba u diiday shaqada aan kala go’a lahayn oo ay hayaan iyo damiirkooda oo aan u oggolayn in ay jiif iyo nasiino u bayraan, ayadoo bukaan xaalad adag ku jiraahi u muuqdo.




From the comments