U bood dhigaalka

Israel oo Weerar Diyaaradeed Ku Dishay in Ka Badan 15 Ruux oo Falastiniyiin Qaxooti ah

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo Israa’iil ay ku qaaday iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad Falastiiniyiin ah oo ku yaal bartamaha Gaza, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza.

Qaar kale oo badan ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday Iskuulka Hamama oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gaza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa, ayadoo wariyaasha aaggaas ku sugani ay soo sheegayaan in ciidamada Israa’iil ay 3 bam ku dhifteen iskuulkaas.

samatabbixiyeyaal iyo mutadawiciin ku sugan goobta ayaa isku dayaya in ay caawiyaan dadka ka soo baxsada burburka hoostiisa, waxaana weerarkani uu qeyb k yahay duqeymaha arxan-darrada ah ee Israa’iil ay bishii 10-aad ka waddo Marinka go’doonsan ee Qasa.