U bood dhigaalka

Magaalada Boosaaso Hubkii Ugu Badnaa Lagu Soo Qabtay Kadib Howlgal Ciidanka PMPF ay Fuliyeen

Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado xiriir la leh Shabaab iyo Daacish oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus.

Kooxahan gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dilal qorshaysan oo lagu khaarajiyay xubno firfircoon oo kamid ahaa dadka bulshada ka muuqda, kuwaas oo dilkooda lala xariirinayo kooxaha Daacish iyo Alshabaab.