U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Magacaabay u Qaabilsanaha Xukuumadda ee Daladda Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasime guud oo Soomaaliya u qaabilsanaan doona arrimaha ururka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada bariga ee EAC.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilkaas u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir), kaas oo noqan doona Agaasimaha Guud ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community) ee ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

Dalalka ku mideysan ururkan ayaa qaarkood wasiirro buuxaahi ugu Magacabaanyihiin, halka qaarkoodna wakiillo caadi ah sida agaasimeyaal guud ay ku matalaan arrimahan urur goboleedkaas.