Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar tooreey oo ka dhacay meel u dhow Tel Aviv, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay, iyadoo booliisku ay sheegeen in qof Falastiini ah oo looga shakisan yahay uu Qofkii ka dambeeyay weerarka in uu ku dhintay isbitaalka, ka dib markii Ciidanku ay dhaawaceen.
Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow xarun shidaal iyo baarkin ku yaal magaalada Holon ee koonfurta Tel Aviv, adeega ambalaasta ee Israel ayaana sheegay in la fuliyay saacadihii hore ee Axada maanta ah, sida ay warbaahintu ka soo xigatay.
Eedeysanaha weerarka Tooreyda ah geystay oo ah Falastiini ka soo jeeda Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa waxaa dilay Askari ka tirsan Booliska oo goobta soo gaaray, sida ay laamaha nabad-gelyada ku sheegeen Warbixin ay soo saareen, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.




From the comments