U bood dhigaalka

Dab Xooggan oo Qabsaday Mid Kamid ah Dekadaha Jabuuti iyo Khasaare Ka Dhashay

Wararka ka imaanaya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya inuu dab qabsaday dekadda weyn ee ku taalla magaala madaxda dalkaas, kaas oo aan faahfaahin dheeraad ah laga hayn waxa sababay iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Kooxaha dab damiska ayaa ku howlan sidii ay holaca cirka isku shareeray u baqtiin lahaayeen, waxaana muuqaal baraha bulshada la soo dhigey uu muujinayaa holaca iyo uuro ka baxa gudaha dekadda iyo qolyada gurmadka degdega ah oo la tacaalaya, iskuna dayaya inay xakameeyaan.

Dabka ayaa kamid ah aanfooyinka soo noq noq ee sanad walba khasaaraha ka geysta dhulka Soomaalida, waxaana inta badan keena foojignaan la’aan ku aaddan adeegsiga qalabka korantada.