Dowladda Iran ayaa cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo sababay geerida 37 ruux iyo dhaawaca 67 kale.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Iran, Naasir Kan’ani, ayaa cambaareeyey Weerarkii Kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen magaalladda Muqdisho, wuxuuna u tacsiyeeyey Dowladda Somalia iyo Qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Weerarkii Argagixiso.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.




From the comments