U bood dhigaalka

Maxaabiis Lagu Xukumay Dil oo La Sheegay Iney Ka Baxsadeen Xabsi Ku Yaalla Magaalada Gaalkacyo

Guddoomiyihii hore ee gobolka mudug ee dowlad goboleedka Puntland, haddana ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiis dil ku xukunnaa ay ka baxsadeen xabsiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolkaas.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo war qoraal ah soo dhigey bartiisa Facebook-ga ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in gacan ku dhiigle 3 sano ka hor dil lagu xukumay, islamarkaana in toogasho lagu fuliyo keliyihi ay u dhimanayd uu xabsiga ka baxsaday.

Wuxuu intaa ku daray inuu naawilayo in garsoorka la hor keeni doono ciddii ka gacansiisay inuu gacan ku dhiiglahaasi fagado, balse wax faahfaahin ah kama bixi xilliga uu baxsaday, iyo sidoo kale nooca dil ee markii hore loo xukumay in laga qasaaso, Puntland dhankooduna arrintaas weli kama hadlin.