U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Hey’adda Duulista Rayidka Daladda Bariga Afrika oo Soo Gaaray Muqdisho

Wafdi ka socda qeybta duulista Rayidka ee Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada Bariga Afrika ayaa soo gaaray Magaala madaxda dalka ee Muqdisho, waxaana si heer sare ah u soo soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo saraakiisha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wefdigan oo ka kooban 9 xubnood oo xeeldheerayaal dhanka duulista ah u badan ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha qeybta duulista Rayidka ururka goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika mudane rechard gafeta, waxayna hadda ku suganyihiin Muqdisho ayagoo kulamo kala duwan la yeelanaya masuuliyiinta dhiggooda ah iyo madaxda kale ee dalka.