U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Saldhig Milatariga Mareykanku Ku Leeyahay Dalka Ciraaq

Ugu yaraan shan askari oo Maraykan ah ayaa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhalatay dilkii todobaadkii hore loo geystay xubno sare oo ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah oo uu ka mid ahaa madixii siyaasadda Xamaas Ismaaciil haniyah.

Labo gantaal oo nooca loo yaqaanno Katyusha ah ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada cirka ee Ain al-Asad ee galbeedka Ciraaq, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay saraakiil tirsan ciidamada nabad-galyada Ciraaq, kuwaas oo xaqiijiyay in gantaalladu ay ku dheceen gudaha saldhigga.

Ma cadda in weerarkan uu la xiriiro hanjabaad ay iiraan ku sheegtay inay ka aargoosan doonto dilka hoggaamiyaha Xamaas, balse wuxuu ku soo beegmayaa xilli xiisadda bariga dhexe ay cirka isku sii shareerayso oo maamulka Israa’iil iyo dalka Iiraan ay heegan militari ku jiraan.