Howlgalka Cusub ee Ciidanka Midowga ee Soomaaliya Imaanaya oo Lagu Dhawaaqay
Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa lagu wadaa in uu beddelo howlgalka Midowga Afrika ee xilligaan ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg December 2024.
AUSSOM ayaa loo qorsheeyay in ay Soomaaliya ka howlgasho laga bilaabo Janaayo 2025, kaddib markii la meelmariyay Qaab-dhismeedka iyo Istiraatiijiyadeed ee Howlgallada.
Hawlgalkan cusub ayaa waxaa la sheegay in ay taageero gaar ah siin doonan dowladaha kala ah; Masar iyo Jabuuti, kuwaas oo muujiyay rabitaankooda ah inay taakuleeyaan ciidamadda uu ka koobnaan doono AUSSOM.
Howlgalkaan ayaa mid ka duwan mida hadda jira, waxaa uu xooga saari doonnaa taageerada Ciidanka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalinta Howlgalkaan kala shaqeysay Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.