U bood dhigaalka

Kooxda Xuutiyiinta oo Shaacisay Tirada Weerarrada ay Ku Qaadeen Gacanka Cadmeed

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in ay beegsadeen 41 markab oo Israa’iili laga leeyahay tan iyo markii ay billaabeen howlgallada ay ku taageerayaan dadka reer Falastiin ee marinka Qaza bishii November ee sanadkii soo dhaafay, sida uu baahiyay TV-ga Al Masirah.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Howlgallada ay ku taageerayaan Gaza, ciidamada qalabka sida ee Yemen ee Xuuthiyiintu waxay ku beegsadeen 170 markab, oo ay ku jiraan 41 markab oo Israa’iil leedahay, 72 markab oo Mareykanku leeyahay iyo 12 British ah, kuwaas oo marayay badda-cas, badda carabta, Badweynta Hindiya, iyo badda Mediterranean-ka.

Warbixintu waxay xustay in ciidamada kooxdu ay bartilmaameedsadeen 45 maraakiib ah oo shirkadoodu ay jebiyeen go’aankii lagu mamnuucay imaatinka maraakiibta dekedaha la haysto ee Falastiin oo ay ula jeedaan dhulka ay maamusho Israa’iil, ma’se jiro wax faallo ah oo ka soo baxay Israa’iil, Maraykanka, ama Britain oo ku saabsan warbixinta Xuutiyiinta ay soo saareen.