U bood dhigaalka

Nin Heysta Abaalmarinta Nobel Peace oo Noqday Hggaamiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Dalka Bangladesh

Ninka heysta Abaalmarinta Nobel Muxammad Yunus ayaa madax ka noqon doonta dawladda ku meel gaadhka ah ee dalka Bangladesh, kadib bannaanbaxyo maalmo socday oo sababay in ra’iisulwasarae Xasiina ay iscasisho.

Arintaan ayaa timid dib markii ay xilka ka degtay raysalwasaarihii hore ee Sheikh Hasina oo ay ka qaxday dalka iyada oo ay ka socdaan kacdoono balaadhan oo lagaga soo horjeedo xukunkeeda oo ay hogaaminayaan dad arday u badan.

Go’aankaan ayaa waxaa ku dhawaaqay goor dhow Joynal Abedin, oo ah xoghayaha warfaafinta ee madaxweyne Mohammed Shahabuddin.

Abedin waxa kale oo uu sheegay in xubnaha kale ee dawladda uu hoggaamiyo Yunus la go’aamin doono dhawaan ka dib marka ay la hadlaan xisbiyada siyaasadda iyo qaybaha kale ee ay khusayso.

Madaxda mudaaharaadka ardayda, madaxda saddexda qeybood ee ciidamada dalka, xubno ka socday bulshada rayidka ah, iyo qaar ka mid ah ganacsatada ayaa madaxweynaha kulan qaatay in ka badan shan saacadood dabayaaqadii Talaadadii si go’aan looga gaaro maamulka ku meel gaadhka ah.

Ardaydu mar hore ayey u soo bandhigeen Yuunus oo ay sheegeen inuu aqbalay.

Dhawaan ayaa la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo kasoo ambabaxaya magaalada Paris sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Hoggaamiyeyaasha ardaydu waxay ka baxeen guriga rasmiga ah ee madaxweynaha wax yar ka dib markii lagu dbawaaqay go’aanka, iyagoo ku qanacsan oo soo dhaweeyay go’aanka.