U bood dhigaalka

Shirka Hormarinta Maaliyadda oo Maalintii Labaad oo Socda Muqdisho

Shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee u dhexeeyay Wasiirrada Maaliyadda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa maanta looga dooday sidii loo mideyn lahaa lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha oo muhiim u ah casriyeynta hannaanka dakhliga gudaha.

Dood dheer iyo aragti isdhaafsi kadib, masuuliyiinta labada heer ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada waxa ay isla meel-dhigeen hirgalinta nidaamka mideysan ee lambarka aqoonsiga cashuur bixiyaha oo ay ku jiraan Ganacsiyada, shaqsiyaadka iyo hey’adaha macaashdoonka ah.

Hirgalinta hishiiska nidaankan waxaa si wadajir ah u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Maaliyadda dowlad-goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.