Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida si xoog leh u qabsaday muuqaalka haweenay waayeel ah oo kamid ahayd shaqaalaha dhismaha magaalada Baydhabo, taas oo uu fal foolxun oo arxan darro ah u geysanayo nin la sheegay inuu xoogsatada ay ku jirto hormuudkooda yahay.
Haweenaydan oo ay duruuf iyo dacdarrooyin badani ka muuqdeen ayaa ayadoo TV magaalada Baydhabo nolosheeda adag uga waramaysa waxaa waxaa soo garab joogsanaya ninka madaxda u ah muruq maalka dhismaha ka shaqaynaya, ka dibna intuu si xun u qadaanqadiyo ayuu si kulul ugu oranayaa “shaqayso waqti lumiska naga daaye”.
Muuqaalkeeda oo baraha bulshada si xoog leh u qabsaday ayaa dhaliyay falcelin baaxad leh, waxaana hadda socda gurmadka baaxad leh oo nolosheeda lagu hormarinayo, balse keligeed ma ahan dad badan oo muruq maal ah ayaa xadgudubyo kaa lamid ah si maalin leh ah ula kulma, islamarkaana culayso ba’an la daalaadhacaya.




From the comments