U bood dhigaalka

Guddoonka Labada Aqal oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Saaxiibtinimo ee Luxembourg

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona saaxiibnimada iyo iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo LUXEMBOURG, gaar ahaan dhanka laamaha sharci dejinta ama baarlamaanada labada dhinac.

Guddiga oo ka kooban 5 xubnood oo isugu jira xildhibaanno iyo senatorro ayaa kala ah xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow, Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud, Senator Seynab Ismaaciil Maxamed, iyo xildhibaan Xiis Xasan Aadan.

Hawsha loo xilsaaray xubnahan ayaa ah xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Soomaaliya iyo dalka Luxembourg oo kamida ugu hodansan, uguna wax soo saarka iyo nabad-galyada feecan ree galbeedka, gaar ahaan qaaradda hormartay ee Yurub.