U bood dhigaalka

Gurmad Socday 27 Saacadood oo Ugu Dambeyn Lagu Soo Saaray Meydka Ilmo Ku Dhacay Musqul Laascaanood

Ciidanka dab-damiska magaalada Laascoonaad iyo dadweynaha oo iskaashanaya ayaa howlgal ku dhowaad 30 saacadood qaatay, islamarkaana khasaare dhimasho sababay ka dib ku guuleystay inay soo saaraan meydka wiil musqul ku dhacay shalay gelinkii dembe.

Howlgalku intii uu socday ayaa waxaa ku dhintay mid kamida askartii ku jirtay dadaalada samata-bixinta ah, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan, kana tirsanaa ciidanka dab-damiska magaalada , waxaana asagoo meyd ah laga soo bixiyay godka suuliga ee ilmaha yari ku dhacay oo uu galay si uu uga soo saaro.
ilmihii yaraa ee musqusha ku dhacay ayaa hadda dhow meydkiisa la soo saaray, ku dhowaad 30 saacadood oo gurmad iyo howlgal ballaaran ah, waana kamida samata-bixintii ugu amninta dheerayd ee laga soo wariyay dhulka soomaalida, nasiib darro’se raqdiisii ayaa la helaye ruux looguma tagin.