U bood dhigaalka

Maxkamad Ku Taallo Dalka Gongo oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Xubno Ka Tirsan Jabhadda M23

Maxkamad milatari oo ku taal Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa xukun dil ah ku ridday 26 eedaysane oo loo haysto inay ka tirsan yihiin jabhadda fallaagada ah es M23 ka dib markii dacwad si heer sare ah loo qaaday lagu oogay dhammaantood.

Eedeysanayaashan oo 21 ka mid ahi ay baxsad ku jiraan ayaa lagu helay dambiyo dagaal, ka qeyb-qaadashada kacdoon iyo khiyaano qaran oo ay geysatay iyo falal kale sida ay sheegtay maxkamadda militariga ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kinshasa .

Fallaagada M23 oo u badan qabiilka Tutsi-ga, islamarkaana ay taageerto Rwanda, ayaa qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga DRC tan iyo dabayaaqadii 2021-kii, waxayna ka mid tahay tiro jabhado ah oo taniyo 1990-meeyadii dalkaas ka dagaalamayay, kuwaas oo loo arko dhaxalka keligii taliyihii muddada dheeraa ee Mobutu Sese Seko.