U bood dhigaalka

Wafdi uu Hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Booqday Xarunta Booliiska Caalamka ee Interpol

Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Jeneraal Sulab Axmed Firin ayaa maanta booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taala magaalada Lyon ee Dalka France, halkaas oo shahaado la gudoonsiiyay.

Xoghayaha guud ee INTERPOL Secretary General Jürgen Stock ayaa ku soo dhaweeyay xaruntaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo wafdigiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Caalamka ee INTERPOL, waxana Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu xoojinaaya xiriirka iyo taageerada wadankeena ee la dagaalanka Argagixisada, ka ganacsiga daroogada, tahriibinta Dadka iyo Hubka, Dembiyada abaabulan, burcad badeedka, Kalluumeysiga Sharci darada ah iyo fududeynta is-dhaafsiga xogaha dembiilayaasha caalamiga ah.

Labada dhinac ayaa is afgarad ka gaaray Sare u qaadista Xirfadaha Baarista Dembiyada, Isticmaalka Keydadka Macluumaadka INTERPOL ee kala duwan iyo iskaashiga howlgalada Booliiska Caalamiga ah ee INERPOL.