Wararka ka imaanaya dalka yemen ayaa sheegaya in 70 askari oo ka socda Israa’iil iyo Maraykanka lagu diley dalkaas, halkaas oo ay si dhuumasho ah ku galeen, iyagoo doonayay in ay Xuutiyiinta gudaha kula dagaallamaan oo ay ku qasbaan inay furaan Marinka Bab al-Mandab.
Ciidamada la dilay oo ahaa Kumaandoos ka kooban 70 calooshood u shaqeystayaal ah oo israa’iil iyo Mareykan ah ayaa gudaha u galay Yemen, balse waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday Xuuthiyiinta, mana jirto cid ka badbaaday.
Ciidamada oo ahaa kuwa si gaar ah u tababaran, ayaa ka dusay meelo cidlo ah oo ka xeebaha dalka Yemen, balse waxaa arkay Dayax gacmeed Ruushku leeyahay, xogtaasi waxaa lala socodsiiyay Iran, isla markiiba Sirdoonka Iran waxay wargalyeen Xuutiyiinta.




From the comments